❝BUUGGANU WUXUU DULMARAYAA marxalad Soomaalida soo martay oo aan weli si buuxda loo soo tebin. Ibraahim Aadan Shire wuxuu si aqoon iyo xirfad leh noogu soo gudbinayaa dhacdooyinkii keenay dullaankii Xabashidu ku soo gashay gobolka Gedo iyo mirihii ka dhashay. Waxaa qoraalku cuskanayaa xogogaalnimada qoraha, oo la noolaa dhacdooyinkaas, tixraacyo qoraallo hore oo si toos ah ama si dadban u taabanaya xaaladdii waddanka ama gobolka Gedo ee waqtigaas. Hab-qoraalka ayaa waxaa xiise u yeelaya in Ibraahim soo xiganayo suugaan hore, sheekooyin iyo qoraal-cilmiyeedyo ilaa laba qarni ka hor laga sameeyey Soomaalida iyo dhaqankooda. Waxaan hubaa in buugganu meel muhiim ah ka geli doono kaydka taariikhda Soomaaliyeed, si guud, iyo tii sagaashanaadkii si gaar ah.❞ Qoraa & baresare Cabdulqaaddir Diiriye. Nayroobi, Kiinya
❝WAXAA II FARXAD AHAYD INAAN akhriyo buuggaan, ka hor inta uusan soo bixin. Waxaa ugu horraynba, kusoo jiidanayo magaca buugga. Horay inbadan baynu u maqalnay Halgankii Gobonnimaddoonka, laakiin maantay magaca buuggani waa 'Halgankii Gunnimaddoonka'. Tolow Gunnimana maloo halgamaa, oo mala doonaa? Jawaabta su'aashaa buugga ayaad kala sheekaysan doontaa. Waxa kale oo aad ku dhex arki doontaa baalashiisa sida dedaallo badan oo tacab la geliyay, ugudambayn ugu soo hoobteen meel aysan u qalmin. Xooggii la geliyayna uu u noqday xoog doofaar lagu eryay, iyo hal bacaad lagu lisay. Taariikhdu sida ay dib iskugu celiso ee ay usoo noqnoqoto ayuu iyadana taabanayaa buuggu. Waxaa intaa usii dheer, inuu yahay buug gorfayneed oo heerkii ugu sarraysay ku gorfaynaaya ururkii Al-ltixaad, wixii uu guday iyo wixii uu gaystay. Sooyaalka baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya, ayuu sida oo kale waxbadan ka taabanaya dhigganuhu. Waxaa sii dheer, haddii Tog-Waajale taariikhda ugu suntan tahay inay Amxaaro duullaan kusoo qaadday 1964-tii, dawladnimada Soomaaliya oo markaa un afar sano jirsatay, Booramana ay Xabashidu duqaysay oo arday ku laysay 30-kii Janawari 1984-tii, Gobolka Gedo isaguna maalintii Jimceed 9-kii August 1996-dii, waxa ay u ahayd maalin madow oo ay duullaan cagmaris ah kusoo qaadday dawladda Itoobiya magaalooyinka Doolow, Luuq, iyo Beledxaawo. Duullaankaan iyo daggaalladii ka dambeeyay ee u dhexeeyay jamhaddii Marreexaan ee SNF iyo Ururkji Al-ltixaad, waad ka bogan doontaa idan Alle. Faanoole fari kama qodnee, akhris wanaagsan akhristow.❞ Maxammed-Karaama Axmed Xasan. Garbahaarreey, Soomaaliya ❝Dadow maqal daduubtaan ku iri ama dan haw yeelan Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiis e Nin ragey dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado.❞ Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan
Buugga halgankii Gunnimadoonka waa buug raadraac taariikheed ah oo ka hadlaya wixii ka dhacay gobolka Gedo kaddib burburkii dowladdii dhexe ee soomaaliya. Waxaa uu buugga dul istaagayaa xoogaggii ku loolamay gacan ku heynta gobolka iyo ujeedkeedu guud waxa uu ahaa. Waxa uu si balaaran oo faahfahsan uga waramayaa kooxihii Al-Ittixaad Al islaami, jabhaddii mareexaan ee SNF, iyo weliba tigreeggii duulaanka kusoo qaaday gobolka.
Waa buug ka kooban ilaa lix cutub ,cutub walbana waxa uu wataa maraajicdiisa gaarka ah iyo halka xogta laga soo dheegtay haddii ay ahaan lahaayeen buug kale ama waraysiyo qoraagu uu la yeeshay dadkii goob joogga u ahaa dhacdooyinka qaar. Waa buug ka duwan sida buugta kale ee ka warama taariikhda soomaalida kuwa oo keliya isku daya in ay soo wariyeen dhacdooyinka oo keliya , halka uu buugani uu dul istaagaya dhacdo kasta waxa sababay, tafsiirka gaarka ah ee ka dambeeya dhacdadaas iyo sida maangalka ah ee loo sharxi kara tilaabooyinka la maray ee taariikhda noqday. Sida uu qoraagaba ku doodaya maadaama ay yartahay cid si xog-ogaalsan uga hadashay duulaanka xabashida ee gobolka gedo, waxa sababay duulaanka iyo mahadhooyinkii uu duulaankaas uga tagay dadkii reer gedo iyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed , Buugani waxa uu faaqidi doonaa asbaabihii keenay dagaaladaas gobolka ka dhacay, Saddex su’aalood ayuuna buugga si guud ugu dul wareegi doonaa in uu ka jawaabo; qaabkee wax u dhaceen, yaa ka mas’uul ahaa gunnimadoonkaas iyo in laga hortegi karau dagaaladaas dhicidooda.
Cutubka 1aad waxa uu si dulmar ah uga sheekeynayaa baraaruggii islaamiga ahaa ee dunida ka curtay qarniyaddii 19anaad iyo 20anaad, asbaabaabihii soo dadajiyay baraarugaas iyo raggii hormuudka u ahaa oo ay kamid ahaayeen Jamaaludiin Afqaani, Maxamed Cabdow, Imaam Xasan al banna, iqk. Sidoo kale waxaa uu isla cutubkaas qoraagu kusoo bandhigayaa sooyaalkii saxwaddda iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada , bilaabashadii ururadii islaamiga ahaa iyo sababihii ugu waaaweynaa u ay ururadaasu u askumeen. Sababahaas waxaa ugu weynaa ayaa la dhihi kara dhaqdhaqaaqyadii karishtaamaynta bulshadaa soomaaliyeed ee ku aadaana sanadihii lixdamaadka , arrinkaas oo keenay in cullimadii iyo caamadiiba ka hor yimaadaan sidaasna ay ku curteen ururadii islaamigaa kuwaa oo soo gaaray ilaa burburkii dowladdii askartii kacaanka. Si gaar ah qoraagu waxaa uu u lafa gurayaa aasaaskii ururkii Al-ittixaad kaa oo dhidibada loo taagay sideetamaadkii , ururkaas oo xoogga saaray in uu mideeyo dhammaan kooxihii kale ee islaamiyiinta soomaaliyeed marka laga raba Al-islaax oo ka biyo diiday isku biirista. Hadafka ugu weyn ee kooxdaan loo aasasayna ay tahay in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka iyada taa loo maraya tab kasta oo xukunka lagu qabsan kara haddii ay ahaan lahayd kicin dadweyne, afganbi amaba dagaal toos ah oo jihaad ah. Qoraagu waxa uu ku doodayaa in Ittixaad markasta ay dafiraan ujeedkoodii ahaa in ay rabeen jihaad ay dalka iyo xukunkiisa kula wareegaan , waxaa uuna ku boorinayaa in sixidda waxa qaloocday xalkoodu uusan ahayn dafiraad balse ay tahay ka garaabid in arrinkaasu qalad ku dhacay haatanna ay tahay in cashar laga barto. Isla cutubkaas qoraagu waxaa uu kusoo afmeerayaa wixii dacwaddii Ittixaad saamayn ahaan ay yeelatay tognaan iyo tabnaanba.
Cutubka 2aad qoraagu waxaa uu soo bandhigayaa qaabkii ugu dambeen Ittixaad ujeedkoodii jihaadiga ahaa ay u gaareen iyaga oo ku qasbanaaday in ay foodda isdaraan jabhadihii dalka ka jiray markii dowladdii dhexe ay burburtay. Inkasta oo ismandhaaf xooggan marwalba uu ka jiray gudaha ururka hadane waxaa jiray xubno badan oo aaminsanaa tabta keliya ee shareecada lagu gaari karo in ay tahay qoryaha oo la qaataa dagaalkana laga qeybagalaa. Arrinkaas waxaa uu ururka ku keenay in kala shaki fara badan iyo amar diido aan ururka lagu aqoon uu soo kala dhex galo xubnaha dhallinyarada ahaa iyo gudigii shuurada ee madaxda sare ahaa. Ugu dambeenna iyada oo amar laga heysan ayaa xubno jihaad doon ahaa oo ay hor kacayeen ibraahim afghaan iyo Xasan turki ay dagaal qaraar la galeen jabhaddii USC oo doonaysay in ay qabsato magaalada kismaayo ugu dambeenna waa looga itaal roonaaday dagaalkaas ittixaadka magaaladiina waa lagala wareegay. Isla dagaalkaas oo 1991-kii ahaa waxaa soo labeeyay uu qoraagu ka sheekeynayaa dagaalkii boosaaso ku dhexmaray jabhaddii SSDF iyo ittixaad hilaaddii 1992-kii. Ittixaad oo u diga rogtay Boosaaso welibana soo dhaweyn iyo wanaajin balaaran marka hore kala kulmay dadkii deegaanka iyaga oo loo ogolaaday in ay qaataan 30% wixii kasoo baxa dekadda boosaaso ayaa iska diidaya ogolaanshaha la siiyay maadaama caqiidadoodu ku dhisneed sida qoraagu sheegayo ‘annaga’ iyo ‘iyaga', oo aysan wax dhex mari karin iyaga iyo bulshada inteeda kale . dagaalkaas oo marlabaad jab xooggan uu soo gaarayo Ittixaad ugu dambeenna magaaladii boosaaso laga saarayo.
Marka laga soo tago cutubyada afaraad iyo shanaad oo nuxurka buugga ah aniga waxaa si cajiib ah iisoo jiitay oo aan la fajacay sida macnaha iyo baarista ku dheehan ee loo xardhay cutubka 3aad. Cutubkaas oo uu qoraagu kaga hadlaayo saamaynta iyo qaabeyntii uu shisheeyaha ku lahaa aragtiyihii ururka Ittixaad. Shisheeyahaas oo kala ahaa qoyskii reera aala sacuud iyo jihaadiyiinta caalamiga ah ee mararka qaarkood ka dagaalamayay dalka afqaanistaan sida Al-qaacida. Waxa uu qoraagu cutubkaas kusoo bandhigayaa aafooyin ilaa maantadaan na heysta oo ay qolyaha salafiyiinta wahaabiyada ah sees ay ka dhigteen. Waxaa aafooyinkaas lagu soo koobi karaa carabeynta blushada soomaaliyeed iyada oo lala dagaalamayo afkooda, hidahooda , iyo dhaqankoodaba . Waxaa kaloo kamid ah dagaalkaas maskaxeed tuftii oo inta erey carbeed lagu bedelay loo samaystay goobo gaar ah loogu magac diray cilaaj ama ruqyah sharciyah , sidoo kale dhaqanka ah hey'adda xumaan reebista iyo wanaag farista oo laga soo miinguuriyay askarta sacuudiga oo dadka wadooyinka ku garaaca , iyo welib qaabka dowladaha shisheeye u adeegsadaan ‘soft powers’ka koo ah in scholarships la siiyo ardayda iyo madaxda kadibna lagu soo dhalaan rogo.
Saddexda cutub ee dambe qoraaga waxa uu ka hadlayaa sidii tigreeggu ku qabsadeen kuna soo galeen gudhaha gobolka isaga oo eedda dusha ka saaraya Ittixaadkii talada gobolka isku koobay iskana fogeeyay shacabkii iyo odayadii gobolka. Qoraagu waxa uu sheegayaa in halka ay Ittixaad bulshada soo dhaweysan lahayd ay ula dhaqmayeen sida bulsho aan shareecada islaamkaba waxba ka aqoon heer ay arrinkaas si toos ah ugu dhaheen ugaaskii mareexaan oo waanwaan ugu tagay mar kana codsaday in gobolka ay ka daafacdaan USC-da duulaanka ku ah. Qoraagu waxa uu soo bandhigayaa dhacda aan maangal ahayn oo ay ku dhaqmeen ittixaadka goortii USCda gobolka qabsadeen taa o ah in ay isaga baxeen magaalooyinkii waaweynaa Jeneral Ceydiidna ka codsadeen in uusan soo weerarin , kooxda sidaas u hadlaysa ogow waxa la laaynaya amaa la dhibaateynaya waa dadkooda, caruurtoodii iyo xaasaskooda. Waxa ayna ku andacoonayeen in ay ka fogaanayeen inay ku dhex milmaan dagaaladii qabyaaladeed ee dalka ka jiray. Waa rag meelna ka cadahay meelna ay ka madowdahay oo kala garan la’ maxa hortebin iyo mudnaan leh. Sidoo kale qoraagu waxa uu isla eedda u jeedinayaa jabhaddii SNF oo xabashida dalka kusoo hogaamisay iyaga oo aan iska fiirinin dhagarta itoobiya iyo danaha dibindaabyada leh oo ay gobolka iyo soomaaliyaba ka lahayd. Waxa uu si faafaahsan usoo bandhigayaa ugu dambeen in duulaanka iyo dagaalkii xabashida laga baaqsan karay oo laga hortegi karay in uu dhaco balse arrinka uu ku yimid waayo aragnimo la’aan iyo qab isla weyni ah oo ka buuxay Ittixaadka iyo jabhaddii SNF oo aan ka fiirsan gacan u haatinta shisheeyaha. Waxaa uuna tusaale ahaan soo bandhigaya sida magaalada laascaanood uga badbaaday duulaanka noocaas oo kale ahaa marka sheekh Cabdinaasir uu amray in la kala diro ardaydii lagu tababari jiray macaahidda iyo xeryaha qaarkood, itoobiyana loo sheegay inaysan jirin dad hubeysan oo magaalada jooga.
Qofkasta oo xiiseynaya rabana in u wax ka ogaado aragtiyaha waaweynaa ee uu ku dhisnaa uruurkii Ittixaad iyo weliba ururadii ka faracmay waan kula talin lahaa in uu akhriyo buugaan oo noociisu dhif iyo naadir ah xogo fara badanna ay ka buuxaan. Dhaliil iyo gaabis buugga waa yeelan karaa laakiin marka hore waa in qofka wada akhriyaa uuna soo bandhigaa aragtiyaha iyo xogaha uu ku diidanyahay laakiin in la iska diido iyada oo aan la lafagurin waa ii jiid aan ku jiido iyo gacmo daalis uun.