Sheeko-faneed aad u xiiso badan, si xad-dhaaf ahna waan ujecelahay sheekada dadka matalayaa galaan doodo aqooneed.
Sheekadu waxa ay ka hadlaysaa qoraa layidhaa qasaan oo sheeko faneed-yada qora ay maalin baraha bulshada uga imanayso farriin ay soo dirtay gabadh isku sheegaysa in la yidhaa waxyi inkasta oo magacaasi aanu ahayn magaceeda saxda ah una qarinayso keeda dhabta ah sababo laxidhiidha amnigeeda, waxay sheegaysaa inay qoys hodan ah oo khaliijka dagan kasoo jeedo lakin ay maxabuusad u tahay aabheed jeelkeeduna yahay qasrigiisa wax xorriyad ah oo ay leedahayna aanay jirin.
Fariintaas koowaad iyo fariimo badan oo kale ayay qoraaga iyo waxyi wada wadaagi doonaan waxayna wada gali doonaan doodo aqooneed oo khuseeya dhaqanka bulshada,diinta ,siyaasada,taarikhda iyo falsafada.
Dooda diinta oo qaadatay xaashiyaha ugu badan ee kitaabka ayaa labaduba waxay isku waafaqayaan in umada islaamka waxa aduunka casriga ka reebay ay ugu wayntahay diintu, laakiin waxa ay isku khilaafayan xalka.
Xalka ay isku khilafeenna waxa keenay qaab u fikirka bani'aadmka iyo sida uu ukala duwanyahay marka uu xorriyad haysto iyo marka uu maxbuus yahay, waxyi sidaynu ognahay waa gabadh aan xorriyad haysan xalkeeduna markasta waa mid xagjir ah, doodeeda diintu waxay ku biyo shubmaysaa in diintu tahay waxa xadaarada carabta qayrkeed ka reebay, insaanka carabiga ahina uu noqday mid u xidhxdhan fatwooyin khuraafad ah xalka qudhaata ee qufuladan furha loogu heli karaana waa kacaan xagjir oo lagu mamnuucayo diinta.
Halka qasaan uu aaminsanyahay diimaha xumaantoodu ha iska badnaadaan e in aanay ka madhnayn faa'idooyin ,diintuna ay ka jawaabto su'aalo badan oo maanka bani'aadmaka kasoo guuxayay ilaa bariguu uu garaadsaday ,diinta iyo usdoorooyinkana ay kujirto qaabka u arko insaanku kawnka iyo nolasha.
In diinta lala dagaalamo ay noqonyso mid dhibaato wayn u horseedi karta bulshada,midda- kalena khaladka aad ku dhacday baa ah in adigoo xorriyad udagaalmaya aad dadkale xoriyadoodii ka qaaday ay xaqa ulaheyeen inay aaminaan waxay doonan.
Qaabka kaliya ee aad ula dagaalmi kartid afkaarta diimiga ah ee xumi waa inay noqotaa inaad soo bandhigtid afkaar tanwiiri ah iyo qiyam cusub, gaadhsiisidna afkaartaas caqliyada bulshada adigoo isticmaalaya hadalka iyo doodaha maangalka ah.