Waligaa ma suuraysatay maxaa dhici lahaa haddi wax kasta oo aad qabanaysid, dareen kasta ood ku fikirrid, iyo dhamaan dhaq-dhaqaaga ay dawalddu xakamaynayso !!
dawladda waxay xakamaynayaa; hab-dhaqanka dadka, xaqiiqooyinka, erayadda hadalka iyo Dareenka jacayalka.
Dawladdu waxay soo saaraysaa qalab la yidhaah (telescreen) waxa uu ka koobanyahay kamarad iyo maykarafoon oo indho-indhayan ku samayanayaa dhaamaan qaybaha bulshada oo dhan meel kasta oo ay joogan sida; Guryaha, goobaha ganacsiyada, waxabarshada. Kaas oo laga dhuganayo qof kasta hab-dhaqankiisa, iyo hadalkiisa.
Dawladda waxay xoogga saaraysaa in ay badasho taariikhdii horre oo ay mid cusub qorto si ay ugu fududaato in ay xukunto dadka hab fikirrkooda, sida oo kale waxa ay badalayaan kalmadaha caadiga ah ee la isticmaalo , taas badalkeeda waxay abuurayaan erayo goonni ah si loo yareeyo hab fikirrka dadka, taasi waxay ka caawainaysaa in ayna dadku si quman u fikirrin sababta oo ah ma jirran erayo ay ku cabiraan fikirkooda.
Waxay sida oo kale mamnuucayaan dareenka jacayalka ee u dhaxeeya lammaanaha iyo Galmmada si ay u xukumaan dadka dhalanaya .
Winston Smith waa 39, waxa u shaqeeyaa dawladda, ma laha saaxib, gacaliso, waxa uu bilaabayaa inuu qoro buug ku saabsan noloshan adag ee u ku noolyahay, in kastoo haddi lagugu qabto adiga oo wax qorayaa, waa lagu dilayaa. Waxa uu isku dayayaa inuu sawirto nolol ka duwan tan hadda laakin ma helayo meel uu taariikhda dib uga raaco sababta oo ah waa la badalay taariikhdii horre oo dhan. Winston Smith labo qof baa u dhow oo midnna uu garanayan, mid ka mid ah waxa la yidhaah Julia, Julie waa gabadh soo jiidasho leh, oo ay ka wada shaqeeyaan isku meel, Winston uu necay Julia sababta oo waa Qurux badantahay mana shukaansan karo. Sida oo kale haddi u ku fikiro waa qof u gacan galin kara booliiska. Qofka kale waa O'brien oo ah Xubin ka mid ah dawladda, isna waa ka sarreeya oo waa boos ku jirra dawladda, inuu la saaxiibo waa ka cabsanayaa.
Maalin ayaa Julia waxay u reebaysaa qoraal ah (waan ku jecalahay) Winston waa ku farxay laakin si khaas ah isku ma shukaansan karaan sababta oo ah waa lala socdaa, waxay qorsheeyeen in ay dalka ka baxaan si jacayalka iskugu sheegtaan .
Winston waxa uu helayaa qof u neceb sida uu u nacay dawaldda oo ah O'brien, waxa ay ku kulamayaan gurigiisa, Winston waa ka shakiyayaa O'brien sababta oo ah ma jirro qof casuumi kara qof aynna dawladuu ogalayan, ugu damabayan waa tagayaa isaga iyo Julia waxayanna dhamaan isku raacayaan in ay kaso horjeedsadaan dawladda. Buug bay si wada jira ah u akhrinayaa ka hadalayaa (maxay u yihiin wax kasta sidan ) . Winston marka uu bilaabay akhriska buugga waxa ogaanaysa waaxadda qaabilsan dareenka jacayalka iyo hab- fikirka, waa la soo xidhayaa . Waxa uu ogaanayaa O'brien inaan ahayan nin kaso horjeeda nidaamka, uuna shirqoolay iyagga.
Waa la jidh dilayaa, dab baa lagu xidhayaa waa la ciqaabayaa, wax kasta oo u ku fikiray waa sheegayaa, isagga iyo Julia waxa ka dhaxeeyay waa sheegayaa. Ugu damabayan O'brien waxa u sheegayaa Winston waxay dawalddu sidan u samaynayso, in dadka maankooda la xukumo sidaada oo kale, haddan ku nidhaah 2+2=5 waa inaad qaadato. Winston waxa loo qaaday qol 101, kaas oo jiir ku jiro isnna waa ka baqaa jiirka, waxa ku dhawaaqayaa; waxad rabtaan ku sameeya Julia aniga maaha, isaga iyo Julia dibada ayay u soo baxayaan iyaga oon is jacalayan.
Winston imaka ma danayanyo inuu ku fikiro ka soo horjeedsado dawladda