Peter Brigdes oo ah bare sare oo jaamacadeed iyo diblumaasi imika hawlgab noqday, waxa uu diblumaasiyadda ku soo jiray 30 sano oo ah waqtiyadii u xidhiidhka caalamiga ahi ugu xasaradda iyo xiisadda badnaa. Waxaa ka mid ahaa 2 sano oo uu ka soo shaqeeyey Soomaaliya. Waxa ay ahaayeen sannadihii yaraa ee ka horreeyey burburka, oo ay si huursan u huraysay colaaddii iyo burburkii qaranjabka ku keenay. Bridges, waxa uu noqday danjirihii Maraykan ee nasiibka u yeeshay in uu maamul gargaarkii ugu badnaa ee uu Maraykanku siiyo dalalka Afrika ee lama degaanka ka hooseeya, kaas oo uu xilligaas siin jiray Soomaaliya. Waxa uu ka soo shaqeeyey Soomaaliya oo dawladnimadeedii, ay curyaamiyeen is garbinta qabiilka ee soo jireenka ahayd iyo hoggaamiye danta uu ka leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo horusocodkoodu ay aad uga yartahay danta uu ka leeyahay in uu sii adkaysto gacan ku haynta talada dalka Istaraatijiga ah ee ay saboolnimadu boqnaha goysay, muddo gaaban kaddibna dagaal sokeeye sokeeye burburiyey. Jaamacadda Kent State University.
Buugga Safiirka runtii waa buug mudan in waqti badan lagu qaato marar badanna la akhriyo, waa buug noqon kara tixraac la isku haleyn karaa taariikhda dalka soomaaliyeed ee sanadihii sideetamaadka.
Runtii buugga intaad akhrineyso waxyaabaha aad sida saxda u fahmi doonti waa in dalka soomaaliya si guudba weligiisa uu ku tiirsanaa deeq shisheeye ama mucaawino dalal kale laga keenay sidaass oo ay tahayne deeqahaas dadkii xaqa u lahaa oo danyarta u badan ma gaari jirin ee taliska markaa jiray ayaa si foolxun u musuqmaasuqayay.
Waxyaabaha sida gaarka ah ii xiisa geliyay anigu shaqsi ahaan waa in peter uu dedaal badan geliyay sida uu ku baran lahaa habfekerka iyo hab dhaqanka dadka soomaalida arrinkaas si uu u xaqiijiyana waxa ay ku kaliftay in safaro aad u dheer uu jeexo si uu wax badan kaga ogaado geeska.
Waxyaabaha kale xiisaha leh aan buugga ugu tegay wax ay ahayd in taariikh ahaan soomaalidu warshadaha ay ku faanaan dhammaantood lagu dhisay deeq dalal shisheeeye ay bixiyeen, ceybta ugu weyn ee taas kasii daranna ay tahay in ay ka faa'ideesan waayeen deeqdaas iyaga oo cilmi iyo aqoon ahaanba ku liitay in ay maareeyaan warshadahaas, tusaale waxa uu qoraaga usoo qaadanayaa Warshaddii kaluunka ee Laas-qoray taas oo marka midowga soofiyeed ka tegay ku sigatay dabcan in howlaheedu dhan ay joogsadaan ciiduna ay wada dabooli rabtay dhisamaheeda.
Danjire Peter inbadan waxa uu sheegayaa lexjeclada iyo badbaadada uu la rabo dadka soomaaliyeed inay ku jirto in deeqahaan loo bedelo dhanka waxbarashada iyo farsamada gacanta isaga oo soo gudbinaya in dalal badan oo ay maraykanka iyo shiinaha ugu horeeyaan ay qaatiyaan ka taaganyihiin mashaariicda soomaaliya sababtuna ay tahay in soomaalidu noqotay dad doonaya in qaandada lagu quudiyo taa bedelkeedana aysan rabin in ay iskooda wax u qabsadan xirafadahoodana hormariyaan!
Sidoo kale waxaa taas ka marneen in kacaanku uu xilliyadaas gaarsiisnaa heerka ugu darnaa ee caburin. Marmarka qaarna waxaaba dhici jiray in caburintaas xitaa ay saamayso diblumaasiyiintii dunida kale ka imaan jirtay. Qoraagu waxa uu sheegayaa in habbeen ay casho u sameenayeen ardaydii soomaaliyeed ee dalka maraykanka waxa kusoo bartay in dhammaan muwaadiniinta soomaalida laga celiyay albaabka goobta ay xafladduu ka dhacaysay waxa sidaa sameenayana waa NSS-tii ka amar qaadanaysay Siyaad Barre.
Bugga waxa ku jira aasaar iyo taariikhyo fara badan oo waa hore laga sameeyey dhulka soomaalida gaar ahaan aqoonayahanadii badmaaxa ahaa howlihii cilmi baaris ay ka geysteen deegaanadii waagaas jiray!
Runtii waa buug aan kula talin lahaa in uu akhriyo qof walba oo doonaya in uu fahmo sababihii burburka soomaaliya soo dedejiyay sidoo kalena asaageeda ka reebay oo ay soomaaliya u tahay dal weligiis iyo allihiis gacanta u hoorsada dowladaha shisheeye mucaawinadooda!
Ugu dambeen waxaan u mahadcelinaya qoraaga inoo sii tarjumay buuggaas Kamaal Marjaan oo dedaal iyo kartiba geliyay in xoogtaas nagu soo gaarto afkeenna hooyo.