Waxaan caawa muddo ku dhawaad laba saacadood ah si ashqaraar leh u wada sheekesanay buugga Aleel. waxaana ka bogtay dedaalka iyo kartida ay leeyihiin qoraaga Jidhi iyo abwaan leento.
Waxaan si la yaqaano u dhex mushaaxay jacayl,qaran& qawmiyad jacayl,guubaabo, run sheegis iyo weliba waaya aragnimo sugaaneed oo dhex maquuranaysa waayihii adkaa oo ay soo mareen bulshada soomaaliyeed.