Jump to ratings and reviews
Rate this book

Hawaale Warran: Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi

Rate this book
"Haddii hayaankii hore ee Hadraawi ku xidhmay tixdiisii Gudgude, buuggani fikir, han iyo hiyiba, waxa uu soo gebagebaynayaa hayaankiisa labaad ee ay tixdiisa Dabahuwan ballaynsintay. Waa adduun-araggii Hadraawi ee ka biyadiiday horumarka adduunka casrigan ee ay hormoodka ka yahiin dawladaha reer galbeed. Intiisa badan, aragtida buuggu weelaynayaa waxa ay ka soo fufaysaa ruuxa maansayahanka iyo fantasiyaha male'awaalkiisa ee dul lalaya waaqica jiraalka ah ee ka baxsan asaga iyo deexashooyinkiisa. Waa maansayahankii Maxamed Ibraahim Warsame oo tiraab dareersan ku soo gudbinaya waxa duunkiisu jecel yahay iyo waxa uu naceb yahay. Waxa ku wada jira si-arag iyo baaq qurxinaya bulshadii xooladhaqatada reerguuraaga Soomaalida iyo dhaqankeedii oo uu samo iyo wanaag u dhammaynayo." Rashiid Sheekh Cabdillaahi "Rashiid-Gadhweyne"


"Hadraawi haddii hore looga bartay in uu falsafaddiisa iyo fekerkiisa xuma-diidka ah noogu soo tebiyo tix loo wada qushuuco, maanta wuxuu noogu soo tebinayaa tiraab xambaarsan isla aragtidiisii falsafadeed iyo iftiimintiisii samataliska ahayd; adduun-araggiisii ku salaysnaa ku dhaadashada dhaqan-ummadeedkeennii hore iyo dhuuxa qiyamka Islaamiga ah. Sida caadada u ah halabuurka hormuudka ah, Hadraawi buuggan wuxuu diiradda ku saarayaa, digniin kululna ka bixinayaa xuma-falka iyo dhaliilaha maanta jira, xag dhaqan, xag bulsho iyo siyaasadeedba. HAWAALE WARRAN, waa buug akhristaha siinaya cashar nolosha haga, fartana ugu fiiqaya wax badan oo qaldan; qaladaad haddaan la sixin laga qoomamayn doono goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen." Dr. Maxamed Daahir Afrax, PhD.


"Hadraawi waxa aannu saaxiibbo ahayn muddo afartan sanno ah, muddadaas kahorna, maansadiisa waan la socday. Waxa uu ka mid yahay, haddii aanu ugu baar fiiqnayn, dhawrkii maansayahan ee ugu waaweynaa ee geyiga Soomaalida soo maray. Waa geesi, deeqsi, waddani iyo indheergarad mu'min ah oo gobannimo badan. Waa nin ka hufan dhaqannada musuqa iyo dulmiga.

Paperback

Published October 20, 2021

6 people are currently reading
48 people want to read

About the author

Ratings & Reviews

What do you think?
Rate this book

Friends & Following

Create a free account to discover what your friends think of this book!

Community Reviews

5 stars
9 (64%)
4 stars
2 (14%)
3 stars
2 (14%)
2 stars
1 (7%)
1 star
0 (0%)
Displaying 1 - 6 of 6 reviews
Profile Image for Mohamed Adam.
29 reviews3 followers
February 10, 2024
Buuggani waa buug ka duwan waxsoosaarkii hal'abuureed ee aynu Hadraawi uga baranay, waxaanu noqon karaa inta ogaalkayga ah abwaankii koowaad ee bulshadiisa uga taga dhigaal tiraab ah oo uu kusoo gudbinayo afkaartiisa.

Buuggu waa xasuusqor uu Hadraawi kaga waramayo noloshiisii,hanaqaadkiisii,bilawgii hal abuurkiisa iyo noloshiisii xabsiga ee qansax dheere.
Waxa kale oo uu kaga warmayaa qaadanaysana inta ugu badan ee kitaabka waayihii uu soo gaadhay iyo waayadii ay soomalidu xoolodhaqato reerguura ah ahayd.
Waxa uu siwacan inoogu sharaxayaa bulshadaas xooloraacatada noloshooda,qaabka ay unoolayaan,xoolaha ay dhaqan jireen,habdhaqameedka guurka ee ay lahaayeen iyo meertada geeddigii noloshooda.

Sida caanka ah aduun-arraga iyo hal-abuurka hadraawi waxa uu maray laba marxaladood oo kala duwan midkastaana afkaarteeda iyo waayaheeda lahayd, waxa ugu wayn ee labadaas marxaladood kala duwanaantooda jaangoyayna waxaan odhan karaa inay ahayd burburkii dawladii Soomaaliya.

Haddaba buuggani waa adduun-aragii labaad ee hadraawi waana buug qaab tiraab ah usoo gudbinaya afkaarihii ku jiray tixihiisa caanka ahaa ee Dabahuwan,Afkusiran iyo Sirta nolosha.

Kadib burburkii somaliya Hadraawi waxa uu ka raja dhigay dawladnimada casriga ah, waxa uu la coloobay (modernity)ga reer geelbeed waxana uu nacay horumarka aduunkan casriga ah.
Waxa uu u hiloobay nolooshii (primitive)ka ahayd ee xoolo raacnimada ilaa uu gaadhay inuu yidhaahdo inayna noloshaasi wax dhaliil ah lahayn aan ka ahayn saxarada, gaadhayna noloshaasi figta iyo tookha aanay nololi dhaafi Karin.

Alle ha u raxmado abwaan Hadraawi.
Profile Image for Abdullahi said.
28 reviews1 follower
October 28, 2023
buug sheeko, madadaalo, maanso, murti, taariikh iyo mustaqbal intaba ay ka buuxaan , aad macaansanayso akhriskiisa. runtii abwaanka garashadiisa fog ayuu kugu fahansiinayaa dhacdooyinkii tagay iyo kuwa taagan sida kaliya ee umadda ku bad-baadi karto waa in ay dib u laabato oo ay wadadaii alle qabsadaan, dhaqankoodii iyo sharafkoodii dib ugu laabtaa, waxa dhibka noo keenayna ay yihiiin alle wadadiisa oo laga leexday deetna huniguri iyo naf adoon loo noqday iyo shaqo la'aan meel fadhi.

“Muxuu qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Hadba qodob layaabliyo
Mahadhooyin qorayaa”
Profile Image for Hanan.
18 reviews
November 10, 2024
Abwaan hadrawi ilahy ha u naxriisto
Buuga waxa uu ahy buug aad u qiimo badan
guud ahan ka hadlayo nolashi miiga iyo dadki hore side ahayeen iyo nolasha hada iyo dadkeeda iyo sidee u kala duwan thy
Buuga caqabada aan kala kulmay waxay aheed in erayo badan oo somali ah aan macnahooda aan fahmi wayey.
Profile Image for Garad.
1 review
September 24, 2024
Buuggani waa tijaabooyinki Nolosha ee abwaanku uu laso kulmay iyo waaya aragnimadiisa oo uu dhaxal ahaan uga tagay umadiisa Alle ha ku naxaristo
Displaying 1 - 6 of 6 reviews

Can't find what you're looking for?

Get help and learn more about the design.